Muqdisho(INO)-Iyadoo galabnimadii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha dalka inuu yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.
Xildhibaanada ka hor imaaday magacaabidaasi, ayaa sida uu sheegay xildhibaan ka mid ah waxa ay gaarayaan ilaa 133, kuwaasi oo Madaxweyne Xasan ugu hanjabay inaysan ansixin doonin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, si si rasmi ah xilka ula wareego.
Mid ka mid ah Xildhibaanadaasi oo ka gaabsaday magaciisa sababa jiro awgeed, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan uu baal maray Heshiisyo iyo balamo hore uga dhaxeeyay, balse ay ka jeeban tahay goortii Ra’isul wasaaraha la horkeeno BF.
Waxa kale oo hadalkiisa uu kusii daray in shaqsi ahaan Cumar Cabdirashiid aysan ku qanacsaneyn badi Xildhibaanada BF, wuxuuna tilmaamay inaysan raali ka ahaan doonin in talada dalka loo gacangaliyo shaqsi dambiyo badan ka galay Qaranka.
Waxa uu ku eedeeyey Cumar Cabdirashiid inuu iibsaday badda Soomaaliya, islamarkaana murankii uu sababay uu taagan yahay illaa hadda.
Idale News Online, Muqdisho