Xildhibaano badan oo gaaray Xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamo badan oo

0
209

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada mooshinka kawada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa bilaabay in ay sii tagaan xarunta golaha Shacabka.

Xildhibaano aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xiligan ku sugan yihiin xarunta golaha Shacabka, waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in qaarkood xarunta tageen  salaadii subax markii la tukaday kadib.

Sida aan Wararka ku helnay hoolka ay ku shiraan Xildhibaanada ayaana wali la furin, waxa ayna Xildhibaanada safaf dhaa dheer ugu jiraan sidii ay a xarunta Golaha Shacabka gudaha ugu gali lahaaeen marka albaabka loo furo.

Waxaa xarunta Baarlamaanka ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ay sameenayaan Xildhibaanada wada mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxa ayna Xildhibaanada isku balansanayaan sidoo ay xilka uga tuuri lahaayeen Jawaari.

Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in aysan wali tagin xarunta Baarlamaanka, waxa ayna kulamo xalay yeesheen ku balameen sidii ay uga hortagi lahaayeen in Jawaari xilka laga tuuro.

Dhinaca kale amaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Xildhibaanada iyaga oon hub wadan galayaan xarunta golaha shacabka, waxa ayna Ilaalada uga tagayaan Xildhibaanada meelo ka fog xarunta golaha shacabka.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo aad u badan oo dowlada katirsan.

Ciidamo cusub oo xaqiijinaya amaanka aadna u feejigan ayaa saakay lagu arkayaa magaalada Muqdisho,  ciidamadan ayaana lagu xoojiyay ciidamadii horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaqa shacabka ayaa maanta aad ugu yar wadooyinka Muqdisho qaarkood gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, waxa ayna shacabka Muqdisho badi maanta yihiin kuwa guryahooda ku sugan oo xaalada kor kala socda.