Muqdisho (INO) – Iyadoo magaalada Kismaayo lagu caleema saarey barlamaanka cusub ee maamulka kmg ee Jubba, ayaa haddana waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baidoa si aad ah looga dareemayaa hadal haynta barlamaanka jubaland iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto geedi socodka Nabadda iyo siyaasada guud ee dalka.
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia oo la soo gaarsiiyey casumaad rasmi ah ayaa diiday ka qeybgalka xaflada caleemo saarka barlamaanka Jubba, waxaana goor sii horeysay shir jaraa’id uu Baidoa ku qabtey wasiirka warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sheegay in aysan aqoonsaneyn barlamaanka cusub ee naamulkaasi waxuuna ku tilmaamey mid hal beel ah, waxuuna ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe in ay uga baxeen heshiiskii labada dhinac ay wada gaareen.
Sidoo kale siyaasiyiinta KGS ee labada gole; xukuumada iyo barlamaanka dowlada federaalka ka tirsan, ayaa faragelinta wakiilada dowladaha Kenya Maxamed Cabdi Afeey, Itoobiya Jeneraal Gabre, iyo madaxa Urur goboleedka IGAD Eng Maxbuub, ku tilmaamey mid aan loo dulqaadan karin, dhibaato hor lehna ku ah midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah madaxdaasi ugu eedeeyeen in ay la safteen hal qabiil isla markaasna yiraahdeen waxay hurinayaan dagaal qabiil oo dhinacyada Soomaalida mar kale ka dhex curta.
Siyaasiyiinta KGS oo ku balamey shir deg deg ah oo isugu yimaadaan magaalada Baidoa, ayaa dhanka kalena waxa wax laga xumaado ku tilmaameen ka qayb-galka madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud munaasabad lagu caleemo saaraayo wax ay ugu yeereen barlamaan sharci daro oo Dastuurka dalka, heshiiskii Addis Ababa, iyo rabitaanka dadka ka soo jeeda goboladaasi aan midna waafaqsaneyn.
Dhowaan ayay ahayd markii maamulka KMG ee Jubba ay ku dhawaaqeen 72 xildibaan, tiradaasi oo 4-meelood 3 meel la siiyey hal beel. Waxayna taasi keentay cabasho kala duwan oo beelaha deegaanka ku sheegeen sadbuursi ay ku kaceen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe iyo labadiisa ku xigeen oo kaalin weyn ku lahaa qeybinta kuraastii barlamaanka maamulkaasi.
Idale News Online, Muqdisho.