Xildhibaanada KG Soomaaliya Oo Soo Xulidooda Lagu Howlanyahay

0
248

Baydhabo(INO)-Waxaa qabaqaabo xoog leh oo loogu jiro soo xulista baarlamaanka cusub ay yeelan Doonto Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay saamiga abood qeybsiga ee beelaha dega Seddexa gobol  ee dowladdu ka ay koobanyahay.

dasruurka
Xildhibaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa guud ahaan tiridooda tahay 95 Xubnood, waxaana loo kala qeyb saday sida tan Bay iyo Bakool ayaa waxay heleen 59 xubnood,  Gobolka Halka Shabeellaha Hoose uu heley  36 waa sida aan wararka horu dhaca ah kun helayn .

Waxaa hadda mashquul aad u badan oo xagga odayaasha dhaqanka iyo  siyaasiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemayaa guud ahaan Gobolda ay ka koobantahay dowladda KGS iyada oo ay beeluha ka sheekey sanayaan saamiga ay ka heleen xildhibaanada, iyada oo soo xulidda xildhibaanadana bilaaban doonto dhawaan sida qorshaha lagu wado.

Dhismaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ilaa iyo in muddo ah dhismaheedu qabyo ahaa, hadii howshan soo xulidda baarlamaanka lagu guulaysato ayaa waxay noqoneysaa dowladda oo dhismaheedu dhamseystirmay laakiin laga sugayo in ay shaqo gasho una adeegto shacabkeeda.

Iyado aan ognahay in dhismahamaamlka KG Soomaaliya lagala soo maray dhibaato aad u badan oo muddo sanado ah laysku horfadhiyey magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, isla markaana aragti kala duwan la qabo sida lix gobol iyo sidax gobol laakiin ugu dambeeytii ay ka soo baxday Dowladd cusub oo  hadda shaqeeyneyso.

Xafiiska Warqabadka

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here