Xildhibaan tilmaam ka bixiyay fashilka Dowladda Xasan Shekh

0
185

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inaan lagu guuleysan mideynta shirarka iska soo horjeeday ee Baydhabo ka socday midna Madaxweynaha lagu doortay midna hada uu socdo.

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed wuxuu sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka dalka aysan usuuragelin mideynta shirarkaasi oo ay ku guuleysteen.

Wuxuu kaloo sheegay in xitaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay tageen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, balse aysan usuuragelin iyaga qudhooda inay mideeyaan shirarka Baydhabo ka socday.

Xildhibaanka, ayaa sheegay inay hada wanaagsan tahay in maamul loo sameeyo saddexda Gobo lee Shabeelaha hoose, Baay iyo Bakool halka sida uu ku taliyay saddexda Gobol ee kalana wadahadal lagu raadiyo.

Shalay Magaalada Baydhabo waxaa lagu doortay Madoobe Nuunoow Maxamed oo noqday Madaxweynaha lixda Gobol ee Koonfurta inkastoo Dowladda ay sheegtay inay aqoonsan tahay shirka saddexda Gobol.yacquub

Idale News Online.