Xildhibaan soo dhaweeyay Tallaabadii lagu Xukumay Ajaanibta

0
218

Muqdisho ( INO)-Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay  go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ee 27 qaof ee ajnabiga ah xukunka lagula riday.

Prof Max’ed Cumar Dalxa ayaa kula taliyay Hay’adaha Garsoorka in ay la xisaabtamaan dadka soo galootiga ah si loo dareemo in dalka uu ka jiro sharci.

Dhanka kale Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa ayaa waxa uu sidoo kale xusay in arrinta ay sameysay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay tahay mid bilow ah oo dhammaan dadyowga ajaanibta ee dano ka yeesha dalka dareensiineyso in waddanka uu leeyahay sharci iyo kala dambeyn.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho Maxkamad lagu soo taagay laguna xukumay illaa 22 Ajnabi ah gaar ahaan u dhashay waddanka Kenya kuwaas oo ka mid ahaa 27 qof oo Maxkamadda looga yeeray kadib lagu soo helay dambiyo ku aadan in dalka sifo aan sharci ahayn ku joogeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here