Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka horyimid doorashadii lagu doortay Shariif Xasan

0
182

Muqdsho(INO)-Xildhibaano maanta ku shiray Muqdisho ayaa si kulul waxa ay u cambaareeyen doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo lagu soo doortay madaxweynaha mamaulka 3-gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaana kusoo baxay.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo isaga warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ay waxba kama jiraan ay tahay wixii ka dhacay Baydhabo ayna habooneyd in lagu dhaganaado go’aankii madaxda badalkeena waxa uu sheegay in la baal maray.

Xildhibaanka waxa uu shaaca ka qaday inaysan aqbali doonin arintaasi,ayna tahay mid dadka ku nool Baydhabo u horseedeyda dagaal.

Dhinaca kale xildhibaan sidaasi lamid ah Muqdisho ku kulmay ayaa taagero u muujiyey Shariif Xasan waxana ay sheegen in doorashadii dhacday ay aheyd mid saxan.

Abuukar Mardaadi oo isku magacaabay inuu yahay madaxweynaha Shabeelle State ayaa tilmaamay inaysan aqoon saneyn waxa ka jira Baydhabo iyo maamulka lixda gobol.

Lama oga xaalada sida ay noqon doonto maal maha soo socda ayay  kala cadaan doonaan.

xildhibaan samaan sheekh daahir

Idale News Online, Muqdisho