Muqdisho(INO)— Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa shalay deeq lacageed oo gaareysay kun doollar gaarsiiyay Abwaan Soomaaliyeed oo muddo ku xanuunsanaa degmada Cadaado.
Abwaanka uu deeqda lacageed uu guddoonsiiyay ayaa lagu magacaabaa Deeq Qooje Shire, kaasoo muddo 10-sano ahaa Naafo, kadib markii uu ku dhaawacmay shil gaari ah
Xildhibaanka oo ay wehliyeen abwaano iyo dad kale ayaa booqday guriga uu Cadaado uu ka degenaa Abwaanka naafada ahaa, waxaana guriga kula noolaa abwaanka, xaaskiisa iyo afar caruur oo uu dhalay.
Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa uga mahad celiyay Xildhibaan Dhuxulow deeqda lacageed uu gaarsiisay Abwaankan naafada ah, waxaana uu ugu baaqay dadka Alle wax siiyay inay u gurmadaan.
Sidoo kale Abwaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay ugu baaqeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Gobollada Dhexe inay abwaankaas soo booqdaan, balse aanay taas sameyn.
Abwaan Deeq Qooje ayaa uga mahad celiyay Xildhibaan Dhuxulow taageerada uu ugu fidiyay, waxaana uu Alle uga baryay inuu bedel kheyr qabo uu siiyo.
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo maalmahan ku sugnaa Cadaado ayaa waxaa uu halkaas ka waday howlo sama fal ah oo u sameyanayay dadka tabaaleysan iyo kuwo danta yar.