Baydhabo (INO)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ay dhibaato xoogan ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Mudane C/qaadir Maxamed Cali ayaa xusay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Ethiopia ay dad rayid ah ku laayeen deegaanka Wardiinle ee Gobolkaas.
Waxaana uu qeexay in AMISOM gaar ahaan Ethiopia ay dad shacab ah ku xasuuqeen halkaasi arrintaasna uu sheegay in aan looga hari doonin Ciidamada falkaas geystay.
Ugu dambeyntii Xildhibaanka Koofur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Maxamed Cali ayaa sheegay in Baarlamaankooda ay kulan ka yeelanayaan xasuuqa dadkaasi shacabka ahi ugu geysteen deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.