Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerka uu ku tegay xarunta Golaha Shacabka halkaas ooy ka socdaan howlo dayactir ah kadib markii kooxaha dhagarqabayaasha ee Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Xaruntaasi.
Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa isagoo ku sugan xarunta golaha shacabka kula hadlay warbaahinta waxaa uuna sheegay in saakay magaalada Muqdisho laga qaaday dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay ka dhacay xarunta golaha Shacabka oo dalka dibadiisa loo qaaday gaar ahaan dalka Turkiga.
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dadka la qaaday ay ka mid ahaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Faarax Cawad Jaamac oo ku dhaawacmay nawaaxiga xarunta Golaha Shacabka iyo askari ka mid ah askartii ay dhaawacyadoodu cusleyd, halka askarta kale ee ku dhaawacantay difaacidda xarunta Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah loo qaadi doono dalka Turkiga.
Ugu danbeyn mudane Cawad ayaa yiri Waxaa saakay noo suurta gashay in Xildhibaan Faarax iyo Askari ka mid ah kii ugu dar darnaa in loo qaado dalka Turkiga si daryeel caafimaad loogu sameeyo, inta kalena waxaa socda diyaarinta Fiisooyinkooda waxaana la qaadi doonaa Arbacada.
Idale News Online.