Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Gudiga Gaadiidka Barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa ka hadlay Cabasho ka taagan Dekada Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Dhuuboow ayaa sheegay in gaadiidleyda Dekada Muqdisho ay ku dhib qabaan Shirkado ganacsi oo ajanabi ah kuwaasi oo uu sheegay in cadaadis ay ku hayaan Shaqooyinka Xoogsatada.
“cabasho ayaa naga soo gaartay gaadiidleyda, waxaa lagu kordhiyay canshuurta , waxa dhibkaasi ku hayana waxa ay noo sheegeen inay yihiin Wasiiru dowlaha Maaliyada, sii hayaha Wasiirka gaadiidka iyo shaqsiyaad ku sugan Madaxtooyada” ayuu yiri Cismaan Aadan Dhuuboow.
Xildhibaan Dhuuboow ayaa sheegay in cabashadaasi ay u gudbin doonaan Barlamanka Soomaaliya si wax looga qabto.
Dekada Muqdisho waxaa hada maamusha Shirkad laga leeyahay Turkiga, waxii markaasi ka dambeeyay waxaa soo baxayay Cabashooyinka ka imanaya Shaqaalaha Dekada.
Idale News Online, Muqdisho.