Xildhibaan Cabdi Wahaab Ugaas Oo Qalalaase Siyaasadeeed Ka wada Gobolka Bakool

0
219

Muqdisho(INO)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Bakool ayaa wali ku dhagan madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed oo ay ku dhaliilsan yihiin qaabkii uu u wajahay soo xulida xubnaha baarlamaanka maamulkiisa.

Xildhibaan Cabdi wahaab Xuseen Ugaas, ayaa wuxuu dhaliilay hanaankii loosoo xulay baarlamaanka maamulka koofur Galbeed oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid aan cadaalada waafaqsaneyn, sida uu sheegay xildhibaanka.

C/Wahaab Ugaas Xuseen, wuxuu tilmaamay in wali aanan la qancin beelaha daga Yeed iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bakool, islamarkaana lagu dhaqaaqay tallaabooyin ay horey kaga digi jireen.

“Waxa maamulka uu sameeyay waa waxii horey kaga digi jirnay, sababtoo ah dadka ku nool Yeed iyo degmooyinka kale ee gobolka xaqoodii meysan helin oo waa la isdaba marsiiyay, mana soconeyso wax soconaya”ayuu yiri xildhibaanka.

“Waxaa ugu yaraan habooneyd in la raaco waddooyinkii iyo talooyinkii aan horey usoo jeedinay, marka waa sharci daro ayaan dhihi karaa waxa uu waddo maamulka koofur galbeed”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaanka.

Si loo qanciyo beelaha kasoo jeeda gobolka Bakool ayuu koofur Galbeed horey u iclaamiyay in la kordhin doono tirada xildhibaanada baarlamaanka Dowlada KGS  oo markii hore loo qorsheeyay 95 xildhibaan.

 Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here