Xildhibaan Cabdi Barre oo eedeyn kala dul dhacay Guddiga Soomaaliya kor joogtada uga ah Muranka Badda

0
170

Muqdisho ( INO)-Isagoo u warramayay Warbaahinta Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Dacwadda Muranka badda ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo maanta lagu wado in ay ka furanto Maxkamadda Hague.

Cabdi Barre Yuusuf  ayaa ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir mid aan aqoon u lahayn Arrimaha badda sidaas daraadeed aanu wax rajo ah ka soo hoyn karin dacwaddaasi isagoo isweydiiyay haddii dowladda Soomaaliya  uu damaceedu yahay in ay guul ka soo hoydo Badda Soomaaliyeed ee Kenya ay quud dareyneyso waxa  loogu igman waayay sharci yaqaanno iyo khubaro Badeed oo iyagu ka soo mira dhalin kara Kiiskaas sida uu qabo Xildhbaan Cabdi Barre Yuusuf.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabd Barre oo sii wata hadalkiisa ayaa ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka mid Guryaha dadweynaha Soomaaliyeed leeyihin ka baxsan la’yihiin sidaas daraadeed howsha Qaran ee loo igmaday ay Jaanis abuur u tahay Dowladda Kenya oo Soomaaliya muranka xagga badda kala dhexeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaan Xildhibaanku ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed si ay u soo dhacsadaan Baddaas Kenya ay u hanqal taageyso ay sameeyaan Banaanbaxyo una gudbiyaah Cabashadooda Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntii, Hadalka Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Magaalada Hague ay gaareen wafdi uu horkacayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir kuwaas oo maanta kor joog ka noqon doona Dacwadda Muran badeedka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.