Xiir Ilaahiyaha Guud”Ciddii bixin wayda Canshuurta waxay mudan kartaa Ciqaabo Adag”

0
250

Muqdisho(INO) — Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa sheegay maanta in qof kasta oo Somali ah ay waajib ku tahay in uu bixiyo canshurta Qaranka noocii ay doonto ha ahaatee; bixinta canshuurtana ay ku xiran tahay Qarannimda Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa intaas ku daray in haddii aan canshuurta la bixin aan awood loo yeelan karin in la difaaco dalka iyo diinta, cidii bixin waydana ay mudan karno ciqaabo noocyo kala duwan ah.

“Waa waajib in canshuurta la bixiyo, waayo waxaa ku xiran diinteenna iyo nolosheenna. Waayo haddii aan canshuurta laga helin shacabka Soomaaliyeed ma la difaaci karo diinta iyo dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray xeer-ilaaliyaha.

Sidoo kale, xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa xusay in ciqaabaadka uu la kulmi karo qofkii aan canshuurta bixin uu la kulmi doono ganaaxyo kala duwan oo ay ku jiri karaan xabsi-daa’in iyo dil toogasho.

“Muwaadinka Soomaaliyeed haddii uu bixin waayo canshuurta ciqaabta uu la kulmi karo ay ka mid yihiin xabsi’daain iyo khaa’in wadanimo oo xukunkiisu yahay dil toogasho ah,” ayuu Dr. Axmed hadalkiisa ku yiri.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa xusay in marka ganaax la saaro qofka ay tahay marka rajo laga leeyahay, balse markii dambi ah khaa’inul waddanimo taasoo uu ku mudan karo dil toogasho ah.

Ugu dambeyn, Hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirtay sidii ay shacabka Soomaaliyeed looga qaadi lahaa canshuuraha.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ku dooday in haddii ay canshuuraha bixiyaan loo baahan yahay inay helaan waajibaadka ay dowladda ku leedahay, balse aysan u muuqan inay heli doonaan. Lamana oga sida uu ku meel-mari karo hadalka xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here