Idalenews: digniin culus oo laga soo saaray xeebahad Somalia sida Liido Beach, taa soo shacabka Soomaliyeed ay malmaha fasaxyadda ay u damaashtagaan
Kulan khamiislaha shalay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dad dhowr ah oo dhowaan ku dhintay xeebaha, kaddib markii iyagoo dabaal dagaayoay baddaqaaday.
Maalin ka hor ayay aheyd markii meydka wiil yar ay soo tuftay badda, gaar ahaan agagaarka xeebaha Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dadka looga digayo inay badda oo xilligan aad u kacsan inay u dabaal aadaan
Eng. Yariisow ayaa sheegay in la faray doomanka in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, si aysan xilliyada baddu kacsan tahay aysan dadka doomanka saaran u qaadin.
Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska inay ka soo diyaarinayaan warbixin la xiriira xaalada badda, isla markaana loo xil saaray inay ka hortagaan dadka naftooda ku biimeynaya badda, xilliyada qatarta ay jirto.
Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa xeebta Liido iyo xeebaha kale ee ku dhow Muqdisho waxaa u damaashaad taga dad aad u fara badan oo Dhalinyaro ay u badan yihiin, waxaana mararka qaar dhacda Meydad ay soo tufto Badda, kuwaasoo u badan caruur.