New York(INO)- Musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Hillary Clinton xarunta ol-oleehada doorashada ee Brooklyn magaalada New York ayaa la baneeyey oo laga daadguryeeyey dhamaan shaqaalihii iyo agabkii ay haysteen, kadib markii ay heleen boqshad ay ku jirto budo cad, taas oo lagu soo hagaajiyey mid kamid ah kuwa u shaqeynaayey Hillary Clinton.
Boqshada budada cad ku jirto ayaa soo gaartey xafiiska qiyaastii saacaddu markey ahayd 17:00 xiliga New York sida laga soo xiganayo Telefishanka CNN, dhamaan dadkii ku sugnaa dabaqa 11aad ee sartaas ayaa laga daad gureeyey.
Booliska New York ayaa baaraya dhacdadan, waxaana ay tijaabin ku hayaan waxa ay budada cad tahay, taas oo loo maleeyey kiimiko ama sun.