Xaflad lagu taageeraayo Dowlada Koonfur Galbeed oo ka dhacday Alberta Canada + sawiro

0
228
Waxaa si aad u balaaran si qurux bandanna loo soo abaabuley xalad lagu taageeraayo Dowad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaiya uu madaxwayne ka yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo Kuxigeenkiisa Mudane Maxamud Sayid Aadan kana dhacdey Gobolka Alberta ee dalka Canada. Munaasabadaas ayaa dad aad u farabadan ka soo qeebkaleen isugu jira odayaal, mas’uuliin, hoooyin, aqoonyahano, dhalintaro iyo fanaaniin.
Waxaa barnaamijkaas si qurux badan oo wada jir ah u daadihinaayey Mudane Kaahiye Cabdulaahi dhuubow oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada KGS ee Alberta iyo Mudane C/Risaaq Maxamed Haadi oo ah Guddoomiyaha wafdiga Jaaliyada KGS ee Fort Macmurry ee Alberta.
Waxaa lagu furay barnaamijka aayado Quraan ah iyo wacdi oo soo jeediyey Sh. Ahmed Khalaafe. Waxaa kaloo ka hadley xafladaas sida quruxda badan loo soo maareeyey Mudane Dr. Bashiir Sh. C/Salaam oo ah Gudoomiyaha Golaha Latashiga  Jaaliyada KGS ee Alberta si farxad lehna  ku soo dhoweeyey dadka ka so qeyb galey isla markaana taageerey dowlada cusub kana codsadey dowlada federaalka, shacabka iyo aduun waynaha in la taageero dowladaan uuna sheegey iney tahay dowlad cadaalad,  sinaan iyo rabitaanka shacabka kutimid ee mudan tahay in soomaalida kale kudaydaan.  Mudane Iman C/hi Cali oo ah afhayeenka guddiga latashiga Jaaiyada oo kahadley dowlada KGS iney kutimid wada tashi iyo ogolaansho odayaasha dhaqanka dega gobolada lixda iyo dowada federaalka. waxaa kaloo kahadley aqooyahano faranbadan ka mid ah Mudane C/Risaaq Maxamed Haadi, Xasan Aadan Hosow, Mss. Susan Wouthrigh oo ah Haweyney cadaan u dhalatey dalka Kanada   kanasoo shaqeysey KGS, Maama Ruqiya Sh. Aadan, C/Kariim Xasan Xuseen oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Jaaliyada , Daahir C/Raxman Ibrahim oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Jaaliyada KGS iyo aqoonyahano iyo siyaasiyiin kale.
Waxaa halkaas taageero guubaabo  leh loo soo jeediyey dowlada cusub ee KGS iney hor u socdaan isla markaana ku dadaalaan shida soomaalinimada leh ay usoo wadeen dowlada asaaskeedi iyo sida sharafta lehna usoo dhoweeyeen walaalahooda deegaanka lawadaaga, ayna marnaba ka niyad jabin carqaladaha lagu wado madaama rabitaankan shacabka ay jireyso marwalba, in dowlada federaalkana qadariso dowsha qaranimada leh. Waxaa si wayn uga soo qayb galey fanaanka wayn soomaaliyed Cawaale Aadan iyo fanaaniin kale iyo shacabka reer  Somailand iyo Jabuuti.
DSC03918DSC03924DSC03965DSC03979DSC04005DSC04010DSC03898