Xafiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobey Ee Soomaliya UNSOM oo lagu baahinayo Soomaaliya oo dhan.

0
188

Danjiraha QM u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay, ayaa sheegay in Xafiiska UNSOM lagu baahin doono dhamaan Gobolada Dalka Somalia.

Kay, ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay howshiisa si rasmi ah uga billaabay magaalada Muqdisho .

“Waxaa naga go’an inaan halkan joogno, waxaana u joognaa sidii aan u caawin lahyan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waxaana naga go’an inaan ku baahinno xafiisyadeenna Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri dajire Kay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay xafladda ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sida uu uga ogolaaday sannad ka hor inuu xafiiskan ka howlgalo dalka gudihiisa. –

“JamciyaddaQaruumaha ka dhexeysa iyo xafiiskeeda UNSOM waxaan maanta uga mahadcelinaynaa howshii ay qabteen sannadkii lasoo dhaafay, howshaasoo ahayd mid aad u wanaagsan, waxaana tani ay ahayd inaan helno hal albaab oo aan u garaacno caalamka, waana ku mahadsan yihiin sida ay nooga aqbaleen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

nicholeKayPuntland

Idale News Online, Muqdisho.