Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaano maanta ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaano saxiixay mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari, intii aanu baarlamaanka gelin fasaxa.
Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in sababaha mooshinka u saxiixay ay aheyd markii Madaxda maamul goboleedyada ay ku shireen Muqdisho, isla markaana go’aano soo saareen, taasna ay u arkeen mid lagu xayuubinayo golaha shacabka xuquuqdiida dastuuriga iyo midda Umadda Soomaaliyeed, taasna ay ku kaliftay in mooshin ay ka saxiixaan Guddoomiye Jawaari labo bil iyo bar ka hor sida uu yiri.
“Markii la soo gaaray arrintii DP World maalintii aanu go’aanka ka gaarnay ayaa waxaa soo baxday dardar gelin mooshin ka dhan ah Jawaari, markaaan u dhaba galay waxaa ogaaday in la diidan yahay go’aankaas in Xukuumadda qaar ka mid ah ay diidan yihiin in go’aankaas Baarlamaanka gaaro, waa ka xanaaqay mooshinkii aan saxiixnay, anagoo 16 Xildhibaan ayaa ka laabanay”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.
Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay inay ka war heleen in weerar lagu yahay Baarlamaanka, isla markaana waxa loo socda aanay aheyn arrin Jawaari, balse la doonayo in Baarlamaanka awoodiisa dastuuriga looga xayuubinayo, taasoo uu xusay inay tahay arrin ka soo horjeeda rabitaanka shacabka.
“Nasiib darro wali Xukuumadda weerar ayay baarlamaanka ku heysa”ayuu yiri Xildhibaan Zakariya oo intii uu hadalka waday uu ka soo dhex galay Xildhibaan la sheegay inuu ka mid ahaa juwii saxiixay mooshinka, isla markaana fowdo iyo buuq ka dhex bilaabay hoolka xarunta Villa Hargeysa.
Dhinaca kale Xildhibaanada ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa iska magacaabay Guddi ka kooban 25 xubnood, kuwaasoo la kulmaya dhinaca kale, isla markaana xal u raadinaya khilaafka taagan.