Khilaafka dhawaan un soo ifbaxay xowlina ku socday ee u dhaxeeya Gudoomiyaha Hey’ada sharci dajinta ee Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Madax Hey’adda Fulinta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray heerki ugu sareeyay iyadoo Prof Jawari uu si caro leh uga hadlay.
Khilaafka ayaa ahaa mid aan kahor 14-kii bishaan soo shaacbixin waaba hadii uu jiray , waxaana uu banaanka yimid markii xildhibaano badan ay si lama filaan ah mooshin kaga gudbiyeen gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh cusmaan.
Hase ahaatee wixi ka dambeeyay ayaa waxaa uu ku socday si dar dar ah waxaana uu haatan marayaa heerki ugu sareeyay oo ay siyaasiyiintu tilmaameen in hadii aan si deg deg ah xal loogu helin habac ku keeni karto shaqooyinka labada Hey’adood ee Fulinta iyo Sharci dajinta.
Prof Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa mar uu xalay qabtay shir jaraaid oo aad uga duwan kuwii hore u qabtay waxaa uu sheegay in khilaafka isaga iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu yimid kadib markii uu isaga diiday inuu saxiixo wax ka hor imaanaya nidaamka sida uu tilmaamay.