Zaki(Jowhar)-Sadex ilaa afar milyan oo ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay qaadaan vayruska Zika gudaha dalal badan oo ku yaala America sida ay sheegtay hey’ada WHO.
Xanuunkan oo cudur sidihiisu ay keento nooc ka mid ah kaneecada ayaa kusii baahaya koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga America, waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo marki ay dhalaan umula ilmo maskaxiyan ka hooyeeso kuwa u dhasha caadiga.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in sanadkaan 2016 ay bilaabeyso tallaal ka dhan ah cuduka oo ay ka tallaali doonto dadka.
Iyadoo ay Brazil sanadkaan ka dhici doonaan ciyaaraha Olimbikada Aduunka ayuu madaxa xiriirka Olimbikada Aduunka waxa uu sheegay in ay kordhiyeen tallaabooyin looga hortagayo in uusan xanuunkan waxyeeleen ciyaaraha ka dhici doona magaalada Rio de Janeiro.
Thomas Bach ayaa sheegay in Gudiga Olimbikada ay todobaadkaan soo saari doonaan talooyin siin doonaan ciyaartooyda iyo ka qeybgalayaasha ka hor inta aysan imaan dalka Brazil oo ah dalka uu sida aadka ah u saameeyey vayruka.
Xanuunka Zika ayaa marki ugu horeeysay waxaa laga helay dalka Uganda sanadki 1947-ki, hase yeeshee wali ma uusan u fidin sidaan oo kale. Sanadki 2015 ayaa waxaa laga helay dalka Brazil.
Idale News Online, Brazil