Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha arimaha bulshadda ee Gobolka Bay Faysal C/qaadir iyo Wefdi ka socoday Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalalka Austeralia iyo UK Oo uu Hogaaminayey Dr. Aweys Sheekh Muxidiin iyo Wasiirkii Hore Biyaha tamarta, Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada Federalka Ee Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxidiin ayaa maanta Kormeerey Kaamamka Barakacyaasha Ee yaalla Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Wefdiga ayaa dhageystey cabashada dadka barakacyaasha ah isla markaana Kaamamka ay booqadeeyn ayaa dadka ku jirey waxaa ka muuqatey daruufo adag iyo nool xumo haystada Dadka ku jira Kamamkaasi iyadoona ay sheegeen in aysan dhawaan helin gacan walaaltimino.
Gudoomiyaha Arimaha bulshada Ee Gobolka Bay ayaa sheegey dadkan lagu sameyn doono tira koob rasmi isla markaana dhawaan la soo gaarsiin doono gar gaar ka imaanaayo Jaaliyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee shanta qaaradood Ee Aduunka
|” wefdi ka socodey Jaaliyadaha dalka Austeralia iyo Uk ayaa booqadey Kaamanka Baracyaasha Baydhabo,waxayna qiimeyn iyo u kuur gal ku sameeynayeen cabashada Dadka Barakacyaasha, waxaa looga sameyn doona tira koob Si loo soo gaarisiyo gar gaaro” ayuu yiiri Gudoomiye Faysal.
Dr. Aweys sheikh Muxidiin, oo ka mid ah wefdiga ka socodey dalka Australia ayaa sheegey in dhamaan dadka barakacayaasha ee ku jira xiryaha Baydhabo loo raadin doono gar gaar isla markaana waxa uu sheegey in uu aad u damqanayo dhibaatada iyo noolal xumada haysata dadkaasi.
“ Dhamaan barakacayaasha waan ka damqaneynaa, cabashadiina waxaan gaarsiin doona Meelihii aynu ka imaaney, waxaan rajeynaya in dhawaan la idin siin doono gargaar” ayuu yiri Dr. Aweyns.
Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinti iyo wefdigii maanta kormeerka ku tagay kaamanka barakacyaasha Ee Magaalada Baydhabo waxay baaq dheer ay u direen Hay’ada samafalka iyo dhamaan Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya inay gargaar deg deg ah la soo gaaraa dadkan ku dhibaateysan Gudaha Baydhabo, iyadoona roobabka Deyrta uu ka da’ayo Gudaha Baydhabo isla markaaana ma haystaan cunto iyo baco ay kaga gabaadsadaan dhibcaha roobka.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Baashaa@www.idalenews.com