Dhageyso:Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ka Digey Karar Been Abuur Ah Oo Loo Qiibiyey Barakacyaasha Baydhabo

0
212

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha degmada Baydhabo  C/laahi Cali watiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Gudaha magaalada Baydhabo ayaa kaga hadley in ay jiraan rag aysan ka soconin maamulka Gobolka iyo kan degmaa Baydhabo oo ay sheegeen in tiro koob ay ku sameeyeen  Barackyaasha Baydhabo isla markaana ay siinayaan Karar been abuur ah.

watiin

Gudoomiyaha ayaa sheegey in aysan waxba ka ogeyn isla markaana aan sharci ahayn in la sameeyo arin maamulka Gobolka Iyo ka Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay aan la soo xariirin.

“ Dad sheegtey in maamulka ay ka socodaan, tiro koob iyo qiibin karar ka wadey Baydhabo, dadka barakcayaasha waxay u sheegeen in ay siinayaan Karar qof kasta waxay ka qaaateen $50 oo diinwaan galin ah, arintaasi waa sharci daro, waxaan u sheegeyna dadka in maamulka degmaa iyo kan Gobolka waxba ka ogeyn” ayuu yiri watiin.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Baydhabo waxa uu u Baaqey Baralacyaasha Baydhabo in lacagtooda meel cidla ah aysan ka bixin, waxaana  uu  fariin u direy raga ku hawlan arintaasi isla maraana uu sheegey in aysan ka tirsanayn Maamulka Gobolka Iyo Degmada Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Emai: Baashaa@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here