Marka ( INO)-Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar aad u culus waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin Tuulada Buufow ee duleedka Magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelaha Hosoe.
Weerarka ayaa la sheegay in uu isku bedelay dagaal fool ka fool ah, iyadoona weerarka Ciidamada AMISOM ay tiro Madaafiic ah ku garaaceen deegaanno uu ka mid yahay Janaale ee Gobolkaas Shabeelaha Hoose.
Weli lama oga khasaaraha dagaalkaasi iyo Madaafiicda intaba ay geysteen xilliga oo habeen ahayd aawgeed.
Dadka ku dhaqan Deegaanka Buufow ayaa sheegay in ay arkayeen Bululeer ay adeegsanayeen Ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen xarun Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in Madaafiic badan ay ku dhaceen xaruntaasi Ciidamda huwanta ah ay ku leeyihiin deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Idale News Online, Marko