Weerar gaadma ah oo shacab iyo ciidan lagu wax yeeleeyay habeenkii xalay ahaa

0
158

qarax-150x150

Wararka laga helaayo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh.dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa weerar loo adeegsaday Banbo gacmeed uu halkaasi ka dhacay.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay shegayaan in weerarka laga eegtay gaari ay wateen ciidanka Dowlada Soomaaliya xilli uu marayay xaafada Hanti wadaag ee degmada Jowhar.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo kala ahaa askari iyo shacab iyada oo kadib weerarka ay halkaasi gaareen ciidanka amaanka oo qab-qabtay dad badan oo ay uga shakiyeen in ay ka danbeeyeen weerarka gaadmada ah.

Dhamaan dadkii la qab-qabtay ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray saldhigga Police-ka si loogu kala saaro danbiilayaasha iyo qolyaha kale ee aan denbiga laheyn.

Si kastaba, Jowhar ayaa wasxa ay kamid tahay magaalooyinka ay qaraxyadu ka dhacaan kadib markii kooxda Shabaab laga saaray sanad ka hor.

Idale News Muqdisho