Jaziira(INO)-Xilli soo xulista Xubnaha Baarlamaanka Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka soconeyso Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen waxgarad , Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeedo beesha Shiiqaal gaar ahaan dadka deegaanka Jasiira waxa ay ka dalbadeen Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya in ay ka helaan xaqooda ku aadan Xildhibaanada ay ku leeyihiin Dowladda KGS.
Nabadoon Max’ed Weli ayaa sheegay in xaqooda la duudsiiyay islamarkaana beesha Shiiqaal ay xaq u leedahay in ay Xildhibaanno ka hesho Dowladda KG Soomaaliya maadaama ay degaan deegaanka Jasiira oo KGS ka arrimiya waxa uuna Nabadoonku uu hoosta ka xariiqay in aan indhaha laga laaban xaqiiqda jirta islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in Beeshoodu ay hesho xubnaha Xildhibaanada ay ku leeyihiin Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha deegaanka Jasiira Cabdicasiis Xaaji Cali ayaa qeexay in deegaanka Jasiira uu yahay deegaan baaxad leh oo kheyraad ceegaagaan islamarkaana loo baahan yahay in lagu tix galiyo dadka ka soo jeeda deegaanka in ay booskooda ka helaan Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Geesta kale Suldaan Nuur Xaaji Abdulqaadir ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in laga soo gudbay waqtigii beelaha lagu tixgalin jiray hubka iyo dagaalka, haatana loo baahan yahay in laga gudbo 4.5, wuxuuna dhinaca kale ka dalbaday Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Koofur Galbeed in xildhibaanada ay xaqa u leeyihiin ay sii yaan reer Jazeera.
Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka soconaya shir ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ee Gobolka Bay kaas oo lagu soo xulayo Baarlamaanka KGS.
Idale News Online, Jaziira.