Wax Ka Bedelka Calanka Soomaaliya Oo Cod Loo Raadinaayo!

0
1165

Muqdisho (INO)-Waxaa wali taagan muranka ku aadan Astaanta Calanka Somalia, waxaana soo baxeysa in Dowlada ethiopia iyo QM ay waxkabedelka calanka Somalia u raadinayaan cod u ruurin.

Dooda waxkabedelka calanka Somalia ayaa waxaa wada Dowlada ethiopia waxaana ku raacay Kenya iyo Dowlado kale oo aan rumeysneyn in Somalia ay u dhameystiran tahay xidigta dhexbartanka kaga taal.

Dowlada ethiopia ayaa soo jeedisay in Xidigta ku taal calanka Somalia laga reebo dhulalka raacay ethiopia, Kenya iyo waliba Jabuuti.

Ethiopia ayaa codad u raadineysa in xidigtaasi la kala qeybiyo islamarkaana laga saaro qeybaha aan iminka kamid aheyn Somalia, waxa ayna QM iyo Dowlado kale oo dhowr ah soo jeediyeen in arrintaani gudiyo loo saaro.

Dowlada Jabuuti, ayaa kamid ah Dowladaha ka hor imaaday qorshaha ay wado Dowlada ethiopia, waxa ayna ku talisay in doodaasi dib loo dhigo inta Somalia ay ka kabsaneyso colaadaha raadadkooda wali muuqda.

Sidoo kale, Sudan, Eriteria, Masar iyo Dowlado kale ayaa qeyb ka ah Dowladaha kasoo horjeeda in Calanka Somalia la faragaliyo xiligaani maadaama aysan laheyn awood ay isku difaacdo.

Dowladaha ethiopia iyo Kenya ayaa Somalia ka heysta dhulal aad u baaxad weyn waxa ayna xiligaani cabsi ka qabaan in muran la galiyo dhulalkaasi, maadaama Dowlada Somalia ay dib ula soo laabaneyso awoodeedii hore.

Talaabadaani lagu tirtiraayo jiritaanka Somalia, ayaa waxaa si dadban u horboodaaya Madaxda Soomaalida oo iyagu Siyaasad ahaan ku xiran ethiopia iyo Kenya.

Idale News Online, Muqdisho