Muqdisho(INO)Hanti Dhawrka Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa maanta ka warbixin hawlaha u qabsoomey xafiiskiisa, wuxuuna sheegey in hawlo badan ay u qabsoomey, markanina si dhab ah loo aqoonsaday awoodaha iyo shaqada xafiiska.
Waxa uu tusaale usoo qaatay in qaabkii uu xafiiskiisa u maamulay wasiiraddii xilka ka tagay xukuumaddii hore, kuwaasi oo uu sheegey in xil wareejintooda ay ka qeybqaateen.
“Wasaaradaha qalalaadka ka dhaceen ee wasiiradoodii ay garoonka iska aadeen iyaga oo aanan xilka soo wareejinin, islamarkaasina aanan qaadan warqaddii noola oostada qaar badan baa lasoo celiyey, laguma amray in ay xil wareejinta sameeyaan, arrintaasina waxa ay dhiirogalin u tahay in qolada soo socota ay xil wareejinta marto” ayuu yiri
Wuxuu intaasi ku daray in culeys badan ay kala kulmeen gudashada shaqada xafiiska hanta dhawrka guud, islamarkaasina ay jireen wasiiro badan oo ka dhago adeygey xil wareejin dhab ah.
“Dhago adeyg iyo culus mar kasta waa ka imanayaa baarista marka aad bilaabayso, culeys badan baanan kala kulanay, laakiin maanta ummadda xilka heysa agaasimayaasha guud, wasiirada,. Wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha, waxay ogyihiin in hanta dhawr jiro, in hanta dhawrka uu shaqaynayo, in qof kasta waxa uu hayaa lagula xisaabtamayo, haddii baabuur la siiyey oo xilka dowladeed lagu siiyey uu xilka uu wareejinayo ku daro baabuurkaasi” ayuu intaasi sii raaciyey.
Dhanka kale waxa uu ka hadlay in xafiiskiisa uu wado hawlo badan oo wacyigalin ah , taasi oo bulshada looga wacyigalinayo halista uu leeyahay musuq maasuqa, wuxuu sheegey in ay siminaaro qabteen, xaflado iyo waliba ogeysiisyo kale, iyaga oo xitaa ardayda jaamacadaha kala hadlay arrimaha musuqa.