Wasiiro Lagu Eedeeyay Musuq Lagu Sameeyay Raashiin Loogu Talagalay Shacabka Gedo

0
336

Garbahaareey (INO)—Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Cabdulle Canjeex ayaa Wasiiro ka tirsan Maamul Goboleedka Jubaland waxuu ku eedeeyay in ay musuq maasuqeen Raashiin loogu talagalay Shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo ee Galbeedka Dalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, ayaa Guddoomiye Canjeex waxuu sheegay in Raashiinkaasi si suuq madoow ah loogu kala iibsanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

“Waxaa musuqa lagu sameeyay raashiinka loogu talagalay Shacabka Reer Gedo ka dambeeya Wasiiro ka tirsan Maamulka Jubaland”, sidaasi ayuu yiri Guddoomiye Canjeex.

Waxuu tilmaamay in Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Mas’uuliyiin kale loogu soo dhiibay Raashiinkaasi Maamulka Gedo balse ay suuq madoow ku iibsadeen, sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn, Shacabka ku dhaqan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxaa ka soo yeereysay qeylo dhaan ama cabasho ku aadan in aan la siin raashiin gargaar oo loogu talagalay iyadoona xusid mudan in Raashiinkaasi musuq muusuqa lagu sameeyo lagu eedeeyo Mas’uuliyiinta Maamulada ka jira Goboladaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay