Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Sheegey Wasiiradiisu Ahmiyad Gaar ah Ay Siineyso Suxufiyiinta KG Soomaaliya

0
249

Baydhabo(INO)- Isagoo Maanta ka hadlaayey Munaasabad ballaaran oo looga baroor diiqayey Wariyaal ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaalya oo lagu diley Degmada Baydhabo Ee sanadkii 5th Dec 2015 ayaa Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo wacy-galinta Bulshadda Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed uu sheegey in wasaardiisu ay ka warqabi doonto Wariyaasha ka hawlgalaya Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu horeeyn ka tacsiyadeeyey Dilka Allaha ha unaxariiste wariye Hindiye Xaaji Maxamed iyo wariyaashii lagu diley Degmada Baydhabo ee Sanadkii tagey, waxa kale uu tilmaamey in laga warqabi doono Eheladii wariyashaas ka dhinteen.

“ Wasaaradda Warfaafinta waxay ka qabi doono Wariyaasha iyo Eheladii wariyaashii lagu diley Baydhabo, dhamaan Mas’uuliyiinta Wasaaradaha, xeer Gobolka iyo Xeer Degmo waxaan u baaqeya in ay ka qiib qaataan gacan qabashada Ehelada wariyaashaasi, waxaa sidoo kale ka codsanaya laamaha amaanka in ay sugaan amaanka wariyaasha, lana dhowro xaquuqdooda, waxay yihiin indhaha koonfur Galbeed Soomaaliya, waa kuwo dunida Gaarsiya wararka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-galinta Buslahda Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegey in Markii Dhibaatada Loo Geystey Wariyaashii iyo Shacabkii ku dhaawacmey Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ay u qaadeen Magaalada Muqdsho isla markaana Xilligaas Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Curdur ahayd.

“Dhaawacyada waxaan u qaadney Muqdisho, kuna booqaney Csubitaalka,Dhitaadaas waxaa Geystey Kooxda Nabad diidka Ee Al-shabaab,Waana la xusidoonaa Sanad weliba” ayuu Mar kake yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyntii, Mas’uuliyiinta iyo Dad weynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya inta badan ahmiyad iyo Dhiira-galinta Gaar ah ma siyaan Kaalinta Suxufiyiinta iyo Abwaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya markii loo eego Soomaalida kale.

Idale News Online,Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here