Baydhabo(INO)- Sida uu sheegey wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed waxaa Magaalada Muqdihso Soo Gaarey Radio looga deeqey Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegey in qalabkaas ay ugu deeqdey Dowlada Taliyaaniga isla markaana maalmaha soo socoda la keeni doono Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
“ Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ma lahayn TV iyo Radio u gaar ah mudadii ay jirtey oo afka Dowlada ku hadla, dadaal dheer ka dib 3 cesho ka dib magaalada Baydhabo waxaa soo gaari doono Radio ay inooga deeqdey Dowlada Taliyaaniga, sidoo kale waxa hawada la soo galin doonaa Tv-ga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale wasiirka wasaarada warfaaafinta iyo wacyi-galinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Xusey in ay jiraan Hay’ado kala Duwan oo Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka shaqeeya kuwaasoo Mashruucyo ka soo qaata, Hormurarinta iyo tababaro siinta Suxufiyiina iyagoona maalmo yar tababaro aan micno weyn ku fadhiin u qabto Weriyaasha, waxa uu ugu baaqeey inay ka fogaadaan Khiyaanada waxaa uu hoosta ka xariiqey in wasaarada warfaafinta ay la xisaabtami doono Hay’adahaasi.
“ Waxaa Jiro Hay’ado ka shaqeeya arimaha saxaafadda oo mashruucyo ka soo qaata, oo Gudaha Baydhabo Ka shaqeeya, oo aysan ka dhabeynin ujeedooda, waxaan u sheegaya in wasaarada ay ka warhayso ayna la xisaabtami doonto” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabdi Maxamed.
Ugu dambeyntii, wasaaaradda Warfaafinta iyo Wacy-galinta Ee Dowlda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey in ay tayeyneyso Wariyaasha ka hawlgala Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiaka Warqabadka Baydhabo