Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo Soo Dhoweeyay Lacagaha QM Ugu Deeqday DFS

0
381

Muqdisho(INO)— Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa soo dhoweeyey lacag gaareysa 2-milyan oo doolarka Mareykanka ah oo Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobay ugu deeqay dowladda Soomaaliya, taasoo loogu talo galay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiir Ceynte oo la hadlayay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in loo baahan yahay in deeqdaas la waafajiyo taageeradaasi Qorshaha Horumarinta Qaranka, maadaama dalku iminka uu yeeshay qorshe qaran oo dhameystiran.

Mr C/raxmaan Ceynte ayaa arrintan ku macneeyay in qorshaha horumarinta qaranka ay ku cad yihiin gebi ahaanba horumarinta dalka

“Waan soo dhaweyneynaa deeqda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanse ugu baaqeynaa in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalku yeeshay, maadaama ay halkaas ku cad yihiin dhammaan arrimaha xagga horumarinta ee hortabyada leh”ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ceynte.

Dhaqaalahan ay ku deeqday Qaramada Midoobay ayaa si toos ah ugu dhacaysa Bankiga dhexe ee dalka, iyadoo hadii la waafajiyo Qorshaha Qaran ee dalkana ay sahleyso in sida loogu talo galay loo maareeyo.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa duowaan soo bandhigtay qorshe qaran oo lagu horumanayo dalka saddexda sano ee soo socota.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay