Nairobi(INO) – Wasiirka macdanta iyo biyaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xasan Maxamed (Usama) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas kula kulmay iskudubaridaha hay’ada GIZ oo horay loo oran jiray GTZ haweenayda lagu magacaabo Sonja Blum.
Wasiirka iyo iskudubaridaha Hay’ada GIZ ayaa waxa ay kawada hadleen arimo dhowr ah oo ku aadan sidii dowlad Koonfur Galbeed looga caawin lahaa arimaha biyaha iyo horumarintooda maadaama ay Hay’adii hore ee GTZ ka howlgali jirtay Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya qaarkood.
Hay’ada GIZ ayaa waxa ay u qaabilsantahay dalka Jarmalka horumarinta caalamiga ayada oo mashaariic kala duwan ka fulisa dalal badan oo caalamka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka macdanta iyo khayraadka biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadaal ugu jiro sidii uu u horumarin lahaa dhinacyada adeega biyaha iyo weliba sidii lagusoo saari lahaa macdanta Eebe ku maneystay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, waxa lagu wadaa inuu furmo wejiga labaad ee tababarka dhisida aqoonta maareynta khayraadka shidaalka kaasoo ay ka qaybgalayaan maamulada dalka Soomaaliya ka jira iyo DFS islamarkaasna uu maalgelinayo Baanka aduunka.
Idale News Online, Nairobi