Xildhibaan Sareedo Oo Madaxda Dowalda iyo Maamul Goboleedyada Ugu Baaqdey in Aysan Ka Tagin Nidaamka 4.5

0
384

Baydhabo(INO)-iyadoo is marwaa siyaasadeed iyo Kullumo wadatashiyo ah ugu socodaan Magaalada Muqdisho Dowlada Federalka Soomaaliya, Maamul Gobleedyada Dalka iyo Beesha Calaamanka kaasoo ku aadan nooca Doorasho oo ay ka dhici karto dalka Soomaaliya sanadka 2016,ayaa  arintaas waxa ka hadashey Xildhibaan Sareedo Cabdulle Maxamed oo ka tirsan Mudanayaasha Dowlada Baarlamaka Federalka Soomaaliya.

Sareedo

Xildhibaan Sareedo oo Saxaafadda kula Hadleysey Gudaha Magaalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ugu digtey Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka in aysan Burburinin Nidaam dhibaato dheer loo soo galey isla markaaana ay isku fahmayaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed, iyadoona ay Xustey in markii cadaalad la’aan iyo Xadgudubyo loo geysanayey Umadda labada Webi ay Heshiiskaas wada Saxiixeen Madaxweynihii Hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo  Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guud Hogaamiyihii hore  ee Jabhada Wax iska Caabinta Ee Raxanweyn (RRA) Ee Burburtey iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Beelaha Hawiye, isla markaana ujeedaduna ay ahayd in Amaan iyo sinaan ay kala helaan Beelaha Waa weyn Ee Soomaaliya dhexdood.

“ Waxaan ugu digeya Madaxda Dowlda iyo Maamul Goboleedyada eek u shirsam muqdisho in ay ka fiirsadaan Duminta Nidaamka 4.5, waxaa la sameeyey markii umadda labada Webi cadaalad La’aan ay ku dhacey dhulkooda iyo hantidoodana la boobay,  waxaa wada saxiixey  Shaati-guud iyo C/laahi Yuusuf. Mar weliba waxa duulaan lagu soo yahay Dhulka shacabka labadan webi, Annaga waxaan dooneyna inta laga gaarayo hal qof  iyo hal cod in lagu dhaqmo nidaamkan” ayey tiri Xildhibaan Sareedo Cabdulle Maxamed.

Dhanka  kale Xildhibaanada ayaa ku eedeysey Maamullada Puntland iyo Jubba ay yihiin kuwo dhitaabo ka dhex abuuraayo Bulshada Koonfurta Soomaaliya,isla markaana   waxay tilmaantey s in la sameeyo Gudiga madax banana oo Xaqiiqo raadis ah  oo fiirinaayaan dadka iyo sida loo kala degan yahay Degaanada Maamulka Jubba ka aramiyo, degmooyinka ay leeyihin Digil iyo Mirifle ayaa sheegtey in si barer ah loo siyey Maamulka jubba iyadoona dadkii u dhashey aan loo ogoleyn in Xildhibaanimada aysan ka soo galin Karin halkaasi.

“Waxa ay wadaan Puntland iyo Jubba waa Xaaram,Degmooyin aysan lahayn ayey tirsaneyaan Bulshadii ay lahaydna loo diidan yahay, ma yeeleyno xildhibaano lagu soo xulo qaab degmooyinka ah , Waa cadaalo daro” ayey tiri Xildhibaanadda.

Ugu dambyntii, Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si cad u sheegeen in aan shaqeynin waqtigan la joogo Habka Xildhibaanada Lagu soo xulaayo Degmooyinka, taasoo Puntland iyo Jubba ay ku doonayaan in ay ku sumudiyeeyaan Beelaha Daarood Gobolo iyo Degmooyinka ka tirsan Koonfurta iyo Woqooyi Beri Ee Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here