NO.50(INO)-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Daryeelka Naafada Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdullahi Muuse ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay degmada Lambar 50. ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Raashinkan gargaarka ah ayaa loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ku dhaqan degmada iyo deegaanada ku hareereysan,iyadooona Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose Ee kale La Gaarsiin doono Dhawaan.
Deeqdan oo ka kooban noocyada Quuto daruuriga ah ee raashinka ayaa loogu tala galay ku dhawaad 100 qoys, kuwaasoo ku dhaqan gudaha Degmadaasi iyo Tuulooyinka Hoostaga.
Wasiir Cabdullahi Muuse ayaa dhowaan ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka iyo qurbajoogta Deegaanadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qeyb ka qaataan sidii wax loogu tari lahaa qoysaska danyarta ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Idale News Online, 50.