Dhageyso: Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Sheegtey In Ayna Amar Qaadasho Uga Baahneeyn Maamulka Gobolka Banaadir

0
241

Baydhabo(INO)-Xili uu Cirka isku sii Shareeraayo Isqabqabsiga Dhanka Dhulka ah ee U Dhaxeeya Gobolka Banaadir Iyo Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Arinkasi ka Hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

sita

Cabdiraxmaan Ibaraahim Aadan  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la Hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya uuna Gorgortan ka Galeeynin Dhulkeeda.

Waan in Calanka Dowladda ee laga suray xuduuda Koonfur galbeed ee Gobolka Banaadir oo la dajiyay lagu celiyaa meeshiisa” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Sate

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose  Ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu-Maamulka Gobolka Banaadir ugu Baaqay in ay Joojiyaan Daan,Daansiga.

Wasiir C/raxmaan Ibraahim, ayaa Xusey  in dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalkamka ay aqoonsan tahay Dowladda KGS  sidaas awgeena ay xaq u leeyihiin inay la wareegaan mas’uuliyada xuduudooda.

Halkan Ka Dhageyso.

Toddobaadkaan ayaa Ciidamo ka tirsan Nabad sugida waxa ay ku weerareen meel ku dhow Deegaanka Jasiira Wasiirka Ganacsiga Koofur galbeed, halkaasi oo laga taagay Calanka Maamulka Shariif Xassan.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here