Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaan Dowladda Somaliya si rasmi looga caawin la dagaalanka Al Shabaab.
Wasiirka wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in la soo afjaro dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, si xasilooni looga dareemo gebi ahaanba Somaliya.
Hase ahaatee wuxuu xusay in Caalamka uusan xilligaan diyaar u ahayn in la soo afjaro Al Shabaab, iyadoo uu ka dhawaajiyay Caalamka in uu doonaayo, marba in qayb laga saaro Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya oo qura inaysan soo gaba gabeen karin la dagaalanka Al Shabaab, maadaama uu ku eedeeyay in ay taageero ka helayaan Al-Qaacida.
General Xaamud oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Caalamka ugu baaqay in Soomaaliya markale laga gacan siiyo dardargelinta hawlgalada lagula diriraayo Al Shabaab.
Idale News Online, Muqdisho.