Wasiirka Gaashaandhiga iyo Odayaasha Cabudwaaq oo gaaray heshiis hordhac ah

0
237

Cabuqwaaq(INO)-Kulan lagu lafagurayay cabashada Odayaal ka baxay Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu xalay Magaalada Cabdudwaaq ku dhexmaray Wafdiga Wasiirka Gaashaandhiga iyo Waxgaradka Deegaanka.

diini

Nabadoon Cabdiqaadir Muuse oo ka mid ah Odayaal dhaqameedka la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ay isku afgarteen inay ka qeybgalaan Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

“wali waxa uu go’aankeena yahay in kii hore ee Odayaasha Beelaha ay wada qaateen oo ahaa in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb” ayuu yiri Nabadoon Cabdiqaadir Muuse.

Odayaasha Cabudwaaq ayaa sababta ay uga baxeen Shirka Dhuusamareeb ku sheegay iyaga oo aan la siin wax tixgalin ah, si kastaba Arrintaani waxa ay imaaneysaa iyadoo wali uu khilaaf ka taagan yahay halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Idale News Online, Cabudwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here