Muqdisho(INO) — Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Faahfaahin ka bixiyay Halka ay Marayso Howsha Dib u eegista Dastuurka dalka, kaddib wareysi uu siiyay mid ka mida h warbaahinta Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka KMG ah, inkastoo uu xusay inuu jiro gaabis yar, balse wuxuu tilmaamay in lagu guuleystay in la dhameystiro guddiga la socodka baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka, loona sameeyay Wasaarad u gaar ah dastuurka si howsha loo dardar-geliyo.
“Runtii Dastuurkan Soomaaliya sida aad la socotid sanadkii 2012-kii waxaa jiray arrimo badan markii la ansixiyay oo ay ka mid yihiin in sida uu u ekaanaayo xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul-gobaleedyada dalka, sida loo wadaagayo kheyraadka iyo canshuuraha, Arrimaha khuseeya Matalaaddooda shacabka, sida uu noqonayo qaab dhismeedka iyo arrimo kale oo wax-tar leh ayaa go’aan ka gaarsitooda loo daayay si wax looga qabto mustaqbalka,” ayuu yiri wasiirka.
Isagoo intaas ku daray. “Dastuur ahaan waan leennahay dastuurka, waxaa lagu heshiiyay in Dowladda imaanaysay 2012-kii lagana baxo KMG-kii, dowladdii way timid, waana laga baxay KMG-kii, Baarlamaankii iyo Xukuumadda yimid waxay ku heshiiyeen in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka hadda jira, ma ahan mid hadda lasoo billaabayo, laakiin ballanta ayaa ahayd in dib u eegis lagu sameeyo, wallow uu gaabis yar jiray oo ah inaanay howlihii mar hore waxba laga qaban daruufo jiro awgood. Hadana Dowladda waxay ku guuleeystay in la dhiso guddigii madaxa-banaanaa ee dib u eegista dastuurka, in la dhameystiro guddiga la socodka baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka iyo gaar ahaan xukuumaddii ugu dambeysay ee mudane Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo u sameeyay Wasaarad u gaar ah Arrimaha Dastuurka si loo dardar-geliyo.”
Sidoo kale, wasiirka oo la weydiiyay sababta keentay in dastuurka uu xilligaan soo gaaro iyo Waxa inta badan keenay in Hakad ay Galaan Howlaha Dastuurka, ayaa ku Jawaabay. “Annaga waxaan ka hadli karnaa waqtiga aan joogno waana kuu sheegay, tan kale xilligii hore guddiyada qaarkood ma aanay dhisneyn, guddiga la socdo Baarlamaanka waxaa la sameeyay xukuumadii naga horreysay bishii December ee sanadkii hore, guddiga madaxa-banaanna snanadkii hore ayaa la sameeyay, marka waxaa suuro-gashay in xukuumadda Sharma’arke markii la dhisay la dadar-geliyo howlahaas oo dhan, hadda waa waqtiyeysan yahay. Dastuurka runtii ma ahan Dastuur cid gaar ah u daneynaya, waxaana jadwalka aan soo bandhignay yahay inay ka wada qayb-qaataan bulshada iyo maamul-gobaleedyada, waxaa la sameyn doonaa shirar wada-tashi ah oo laga sameyn doono maamullada dalka ka jira iyo Goballada dalka laga billaabo bisha soo socota illaa November, markii shirarkaasi Wada-tashiga ah la sameeyo shirweyne Qaran ayaa lagu sameyn doonaan haddii Alle Idmo Muqdisho, kaas oo dhici doona bisha December 2015-ka.”
Mar uu ka hadlay suuro-galnimada inay jiraan dad ka shakisan dastuurka una baahan in fasiraad dheeraad ah laga siiyo, ayuu yiri. “Dastuurka waa uu qoran yahay waxa laga hadlayo waa qodobada u baahan siyaasadda, sida awood-qaybsiga, kheraadka qaybsigooda, xiriirka maamul-gobaleedyada iyo dowladda dhexe sida uu noqonayo, waxyaabahaasi oo dhan bulshada oo dhan ayaa laga wada Qaybgalin doonnaa. Marka annaga shaqadeena waa kaliya isku xirka iyo fududeynta howlaha. Guddiga madaxa-bannaan iyo baarlamanaka ee dusha kala soconaya Dastuurka ayaa howshooda inta badan gudaha u geli doona,markaas kaddib ayuuna baarlamaanku ansixin doonaa, kaddibna codka ugu dambeeya waxaa yeelan doona shacabka Soomaaliyeed, taasoo la sameyn doono waqtiga ku habboon oo xaaladda ay suuro-gal noqoto.”
Sidoo kale, mar la weydiiyay Wasiirka Dastuurka rajada ay ka qabaan in howsha dastuurka oo dhan lagu soo gabagabeeyo waqtiga yar ee u hartay dowladda ayaa yiri. “Waxbaa lagu qaban karaa waqtiga kooban ee haray, innagu howsha aan qabanayno ma ahan in dastuurka oo dhan la qoro, balse waa Qodobbada farsamada u baahan in la turxaan-bixiyo, kuwaasoo Qaarkood iska Hor-imaanaya ama qaarkood cidlado ku jiraan. Kuwasaoo u baahan in laga xaajoodo maamul-goboleedyada, Maamullada KMG-ka ah iyo shacabka intiisa kale, haddii Ilaahay idmo oo si Wanaagsan loo shaqeeyo Qorshaha aan soo bandhignay Waxaan Qabaa in la dhameytiri karo, howshuna waa dib u eegis oo keliya.”
Ugu dambeyn, Wasiirka Dastuurka Somalia ayaa ugu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay is-aaminaan gacmahana is-qabsadaan shakina aanay ka qaadin howlaha Dastuurka.
Idale News Online, Muqdisho