Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta oo xilka la wareegay

0
233

Muqdisho(INO)-Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa maanta la wareegay xafiiskiisa shaqada, xilli xil wareejinta uu sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.

MAARIYE
Wasiirkii hore Mustaf Dhuxuloow ayaa dalka dibadiisa ku maqan, waxaana xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiir Maareeye Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka qaybgalay xaflada xil wareejinta oo lagu qabtay Wasaarada Warfaafinta, waxaana sidoo kale madasha goob joog ahaa Hanti dhowrka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono Wasaarada Warfaafinta.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku ammaanay masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta wax qabadka muuqda ee ay sameeyeen intii ay xilka hayeen.
Wasiir ku xigeenka maanta xilkaan Warejiyay ayaa wuxuu isla Wasiir ku xigeen ka yahay Wasaarada Warfaafinta.
Baahida keentay in xilka Wasaarada Warfaafinta uu wareejiyo ayaa waxa ay tahay in Mustaf Dhuxuloow uu dalka ka maqan yahay.
Idale News Online, Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here