Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta Wafdi ka socda Ururada Midowga Yurub iyo IGAD ku qaabilay Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Nabad Gelyada iyo Xasiloonida dalka.
Kulankaan ayaa ahaa mid Xasaasi kaas oo ay Saxaafaddi Dibad Joog ka ahayd waxaana markii uu soo idlaaday kadib Saxaafadda uga Warbixiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre kaas oo sheegay in kulanku uu ahaa mid ay uga hadleen dhinacyo badan sida Heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba iyo arrimo kale.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen ay isku afgarteen sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaanahaan ayaa waxaa soo ifbaxayay khilaaf soo kala dhex galay Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo dhaliyay in Maamulka jubba ay cod dheer ku sheegaan in aaney fulineyn heshiisyadii ay la gaareen dowladda Soomaaliya sababo uu Maamulkaasi ku micneeyay in dowladdu ay ballamo uga baxda.
Idale News Online, Muqdisho.