Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

0
234

Muqdisho(INO)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo 1-dii bishan ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo looga doodayay sharciga Saxaafada ayaa Guddoonka Baarlamaanka uu kulanka ka sheegay inuu jiro Xildhibaan lagu bedelayo booska Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon, waxaana si lama filaan ah kulanka u hor-yimid Wasiir Odawaa oo lagu bedelay Xildhibaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa durbaba Wasiir Odawaa u dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Federaalka, isagoo mudada 10-ka bilood ee u hartay Baarlamaanka hada jira uu ka sii mid ahaanayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in beesha uu ka soo jeeday Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon ay isku raaceen in xubinimada Baarlamaanka lagu bedelo Wasiir Odawaa oo ay isku heyb ahaayeen.

Xubinimada Wasiir Odawaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo la hadal haayo warar sheegaya inuu jiro isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda, taasoo ay suura gal tahay in Odawaa qudhiisa ka mid noqdo Wasiirada booskooda weynaya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here