Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo ku baaqay in laxoojiyo Ciidamadda Somali & AMINSOM

0
173

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ugu baaqday beesha caalamka in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo Ciidamadda Militariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Lavrov oo u waramayay wargeys ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay wali taageero muhiim ah siiyan Ciidamadda Militariga Soomaaliya oo dagaal kula jira Al-shabaab.

“Xaaladda uu wadanku hadda ku suganyahay, doorka Ruushku waa in Beesha  Caalamka ay sii wado dadaaladda taageeradda ah ee Ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM” ayuu yiri Sergei Lavrov

Wasiirka Arrrimaha Dibadda ee ruushka ayaa sheegay in khilaafaadka gobolka ka taagan loo baahanyahay in  la xaliyo iyadoo loo mariyo wada hadal, Caqabadaha ay ka mid yihiin arga gixisadda, burcad badeedda iyo dambiyadda xuduudda ka goosha oo ayuu sheegayd ah  in lagama maarmaan at tahay in  xal loo helo si Gobolka uu horumar u sameeyo.

Warkan ka soo baxay wasiirka arrimaha dibada Ruushka xilli dhowaan uu booqasho ku iman doono Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka  qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya