Waxa maanta duhurnimadaan uu kulan ka soconayaa Xarunta Baarlamaanka Somaliya waxaana hortagay Wasiirka Amniga Qaranka Somaliya C/Kariin Xuseen Guuleed iyadoo su’aalana la weydiinayo.
Wararka aan ka heleyno Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in markii la guda galay Su’aalaha uu codsaday wasiir Guuleed Saxaafada in Banaanka loo saaro si uu jawaabaha u bixiyo.dood ayaa la geliyey in Baarlamaanka ay Warfidiyeenku goob joog ka noqdaan su’aalo weydiinta waxaana codka uu ubatay inay wariyeyaasha kusugnaadaan xarunta Shirka.
Wasiirka Amniga Qaranka Somaliya C/kiriin Xuseen Guuleed wax yaabaha la weydiiyey ayaa waxa ka mid ah Weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Bishii Febraayo isagoo sheegay inay weli wadaan baaritaano kusaabsan qaabka weerarka u dhacay.Sidoo kale Su’aalaha la weydiiyey Wasiirka Amniga ayaa waxa ka mid ah Odayaashii lagu laayey meel ku dhaw degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay isagoo bixinaya Jawaabaha su’aalaha la weydiiyey.
Idale News Online, Muqdisho.