Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya iyo Ethiopia Oo Booqasho Ku Tagey Magaalada Kismaayo

0
252

Kismaayo(INO)-Waxaa maanta Garoonka Duulimaadyada Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo ka soo degay Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya iyo Ethiopia, Amina Mohamed iyo Tedros Adhanom.

Wasiirada, ayaa waxay casuumaad ka helayn Maamulka Jubbaland, si ay ugala qaybgalaan shirka furitaanka ee Baarlamaanka Jubbaland, oo muddo laba toddobaad ka hor lagu soo dhawaaqay.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ka degatay diyaarad ay la socdeen, xubno ka socda Urur Goboleedka Igad, oo sidoo kale lagu wado inay ka qaybgalan shirka lagu furaayo Baarlamaanka.

Kismaayo

Maamulka Jubbaland, ayaa casuumaad u fidiyay Dowladda Somaliya, dalalka deriska iyo beesha caalamka, si ay ugala soo qaybgalaan furitaanka Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin ku tagey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo Maamulkiisa ka tirsan.

Ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa maanta loo adkeeyay si weyn, iyadoo ay kala xiran tahay Magaalada. Waxaana hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here