Wasiirada Arimaha Dibada IGAD qaarkood oo Muqdisho soo gaaray

0
181

Muqdisho(INO)- Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ay hogaaminayaan Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboledka IGAD, xilli saacadaha soo socda la filaayo in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Shirka Madaxda IGAD.

Wasiirada ilaa hada soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kala ah, Wasiirka Arimaha Dibada dalka Kenya, Wasiirka Arimaha Dibada dalka Uganda iyo Wasiirka Arimaha dibada dalka Jabuuti.

Xubnahan Wasiirada ayaa sida la sheegay waxa ay hordhac u yihiin Wafdiga Madaxweynayaasha ee la sugaayo inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Garoonka Aadan Cadde ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Xubnaha Madaxweynayaasha ah.

Shirkaan oo lagu qabanaayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu xardhay halkaasi boorar waaweyn oo ka turjumaya soo dhaweynta Madaxda imaanaysa iyo Shirka lagu martigelinaayo Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta ku sugan Garoonka Aadan Cadde waxa ay soo sheegayaan in lagu wargeliyay Madaxweynayaasha in goor dhaw ay soo gaarayaan Magaalada Muqdisho.

igad-2igad-3igad