Kadib markii maanta barqadii Xaafada Dabakaayo Madoow ee degmada Dharkiinleey lagu dilay Marxuum C/casiis Isaaq Mursal oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ka hadlay arintaasi si kululna ucambaareeyey madaxda ugu sareysa dalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yaroow oo ka hadlayey Shirweynaha Amaanka Dalka looga hadlayo ee maalintii Seddexaad ka socda Muqdisho ayaa sheegay inay marka hore tacsi udirayaan ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum C/casiis Isaaq Mursal.
Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa sheegay inay ciidanka Amaanka degmada Dharkeenleey soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen falkii lagu dilay maanta Mudanahaasi katirsanaa Baarlamaanka Somalia.
Ciidamada amaanka degmada Dharkeenley ayaa soo qabtay seddex ruux oo loo hayo falkaasi islamarkaana ay hadda kusocoto baaritaan.
Idale News Online.