Idalenews-Golaha Wasiirada maamulkiisa ayaa waxaa soo baxaaya in mid kamid ah Wasiirada la magacaabay uu iska casilay xilka.
Wasiirka is casilay Eng. Saalah Sheekh Cusmaan oo ku magacaaban Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa horay isla xilkan uga soo qabtay dowlada Federaalka Somlia.
Is casilaada Wasiirka oo aheyd mid aad loola yaabay ayaa waxaa ka danbeeyay kadib markii lagu niyad jabiyay inay sharaf dhac u tahay in mar kale uu dib ugu laabto heer maamul Goboleed, isagoo horay isla Wasaaradaasi uga soo qabtay Xukuumadii hore ee SomaliaIsbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigoo xilligaa ka maqnaa wadanka.
Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.
Xogta hoose aqriso.
Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo