Muqdisho(INO)— Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad gaar loo leeyahay oo maalmo ka hor ku soo rogtay Gaadiidka inay galaan Ceymis qasab ah.
Fargeeti oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin sharci u ogolaanaya in shirkadaha gaarka loo leeyahay inay ceymis ka qaadaan shacabka, isagoo cadeeyay in aysan jirin ruqsad ay Wasaaradda Maaliyada u siisay.
“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyada waxaa u cadeynayaa in aysan jirin shuruuc u ogolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay shacabka ceymis ka qaadaan, hadana si qasab ah, ma jiro go’aan ka soo baxay labada gole oo shirkad gaar ah lagu dhahay ceymis qaada, ceymiska dowladda ayaa ka mas’uul aheyd”ayuu yiri Wasiir Fargeeti.
Wasiirka ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdooyinkii maalin hore dhacay, isla markaana aysan raalli ka aheyn, isagoo tilmaamay inay qalad aheyd shirkad aan sharci ku dhisneyn inay shacabka ay si qasab ah ugu soo rogto ceymis qasab ah.
Waxaa uu ugu baaqay hey’adaha dowladda in aysan shacabka u horseedin waxyaabaha keenaya dhibaatada, isla markaana laga feejignaado dhibaateynta shacabka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la joojiyay in shirkad ceymis ah ay si gaar ah lacag ugu soo rogto gaadiidka, kadib markii gaadiidleyda ay sameeyeen shaqo joojin.
Wasaaradda Gaadiidka ayaa dhowaan ku soo rogtay gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho inay galaan ceymis qasab ah, iyadoo qandaraas lagu siiyay shirkad ceymis lagu magacaabo Takaful.