DFS oo $65,000 oo ku ganaaxday Markab si sharcidaro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somalia

0
168

Muqdisho(INO)- Dowladda Somaliya ayaa ganaax dul dhigtya Markab laga leeyahay Dalka Panama oo si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay Biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa gacanta lagu dhigay Bishii October ee Sanadkan waxaana lagu xiray Dekadda Muqdisho iyada oo kadibna loo wareejiyay Dekadda Mombasa ee Kenya.

Qabashada Markabkan ayaa la sheegayaa in ay iska kaashadeen Sirdoonka Somaliya iyo Kenya,Waxaana ay dowladda Mareykanka ugu hambalyeysay Soomaaliya guusha ugubka ah ee ay ka gaartay Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Somaliya.

War ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in markabkaas lagu ganaaxay $65,000 oo Doollarka Mareykanka ah islamarkaana toos loogu wareejinayo Dowladda Soomaaliya.

Markabka ayaa waday 30 Tan oo kalluun ah oo uu sharci darro uga qaaday Biyaha Soomaaliya,waxaana uu u xiran yahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa uu ka bixiyo lacagta lagu ganaaxay,

Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Somaliya ay ganaaxdo Markab ka mid ah kuwa sida sharcidarada ah uga kaluumeysta Xeebaha Somaliya.

Xeebaha Soomaaliya oo ay ka buuxaan Kheyraad kala duwan ayaa waxaa iska gurta Maraakiibta shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kalluumeysta Biyaha Somaliya.